Xoojinta Xusuusta Ardayga
Dr. Basim Suleymaan oo ah la taliye dhanka cilmi-nafsiga ah oo u waramay MBC News ayaa ka hadlay waxyaabaha xoojiya xusuusta xilli dadbadani ay ka cawdaan in waxyaabo badan ay illoobaan.
“Sida jirkeennu uu ugu baahan yahay layli ayaa maskaxduna ugu baahan tahay, arrimo kasta oo ku aaddan dhinaca tartamada caqliga looga shaqeysiinayo amaba wax cusub lagu baranayo, arrimahaasi waxay xoojiyay xusuusta, mucaamilka saaxiibada, la dhaqanka bulshada waxa uu xagaajiyaa iyaguna xusuusta, qosolka, sports-ka oo la ciyaaro, cunnooyinka qaar oo ay ka mid tahay khudaarta cagaaran noocyadeeda kala duwan waxay hagaajiyaan xusuusta, iyo wax kasta oo laga helo Omega 3 oo uu ugu horreeyo kalluunka Yuunbiga .”, ayuu yiri, Dr.Basim
Dr. Basim ayaa sheegaya in Sababaha xusuus yarida keena ay kow ka tahay buurnida, walwalka, sonkorta, dhiigkarta oo iyaguna qeyb ka ah sababaha xusuus yarida keena.
Si kastaba, waxaa xusuusta ardayga ugu muhiimsan oo la wada ogyaha waa wax akhriska oo uu la socdo ku celcelin iyo qoraal lagu sameeyo waxyaabaha ugu muhiimsan ee xifdinta u baahan, ku darso talooyinka muhiimka ah ee Dr.Basim.
Maandeeq FM