Waxaan idinku salaamay dhammaan akhristayaasha iyo xiiseeyayaasha Maqaalkan salanta ay isku salaam dadka jannada (Ahlu jannada) ee ah Asalaamu Calaykum Waraxmatu laahi Wabarakaatu, waxaa mahad balaadhani usugnaataty Alihii igu guleeyey in dhammaystiro maqaalkan qiimaha iyo qaayaha mudan ee aan kaga hadlayo Muhiimada ay waxbarashadu uleedahay qofka bini aadamka ah.
Ugu horayn waa maxay waxbarasho? Ereyga waxbarasho wuxuu ka koobanyahy 10 xaraf Wax-waa waxkasta oo lagu tilmaami karo inuu yahay shey, Barasho-waa raacid (Daraasayn) waa wax qof uu ku gaadhay go’aan inuu kubixiyo waqti iyo hanta.
Waxbarashada soomaaliya waxay soo martay heerar (Marxalado) kala duwan taaso ah;

1. Qofka waxbarta lala yaabo oo la yidhaaho wuuxuu doonaya gaalnimo!
2. Waqi loo mari jirey masaafo (socod dheer) si loo helo qof leh in yaroo cilmiya!
3. Xili ay wax baran jireen dadka ladan( lacagta haysta, dowlada ushaqeeya)
4. Waqti dadka marka lasiiyo waxbarasho lacag la’aana (Scholarship) ay yidhaahaan dadkayaga yaan nalaga gaalaysiin! Weliba waxay ka dhacday gobolo kamida Soomaaliya oo iminka markaad eegtid ay kaaga bidhaamayso halka ay aqoon la’aantu ka marayso.

4 Su’aaloodoo muhima inuu iswaydiiyo qofka waxbaranaya;
1. Maxaan wax ubaranayaa?
2. Maxay faa’iido iileedahay waxbarashadu?
3. Maxaan dadka Jaahilka ah kaga duwanahy?
4. Maxaa la ii gelin kharashka iyo Dadaalka in le’eg?
Waxaan uhubaa sidaan geeridayda uhubo in qofka su’aalahan uga jawaaba sida saxda ah inuu ka aflaxayo (gungaadhayo) waxbarashadiisa iyo mustaqbalkiisa kusoo fooleh.

Horumarku wuxuu ku xidhanyahy waxbarashada!
Waxa la yidhaaho horumarka micnihiisu waa shaqo aan dhammaanayn oo weligeed soconaysa hadi la yidhaho horumarki waan dhameynee aan ka nasano wuxuu ku noqon halki aad marki hore kaso ambaqaaday
Horumarku waa dad ku heshiiyey inay socodsiiyan(hore uwadaan) waxyaalahan hoos ku taxan;
1. Xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo deegaankooda ( Ecology)
2. Dhaqankooda ( Culture)
3. Dhaqaalaha dalka ( Economy) iyo
4. Siyasada (Political).

Waxyaalahan aan kor kusoo xusay intuba waa waxyaalo la barto oo kamida waxbarashada laguna dhigto macaahida( Institutions) iyo jaamicadaha ( Universities) dhammaan Afartan waxyaalood waxaa tiir dhexaad u ah oo aanay kamaarmayn waxbarashada, waxabarashada la’aanteed lama socodsiin karo lamana horumarinkaro.
Noocyada Hantida
1. Hanti kula taal.
2. Hanta kuu taal.
3. Hanta kugu taal.

Waa maxay hanta kula taal?
Hantida kula taali waa ta aad haystidee amba lacag amba guryo waa mid kula taal
Hantida kula taal waad waayi kartaaa! Hadii uu dhaco dagaaal halka ay taal ayaad kaga carari tusaale nool ( Life Example) Imisa qof oo ahaa dad lacag leh( Millionaire) ayaamarkii lagasoo qaxay Xamar noqday kuwi aan wxba haysan meeday hantidii ay ku naawilijireen!

Waa maxay hanta kuu taal?
Hantida kuu taali waa wixii aad ILAHY dartii ubixisay ee kuu taal Baanka Akhiro
Mana aha wax kaa halaabaysa( aad waayeysid).

Waa maxay hantida kugu taal?
Hantidan waa Wxbarashada qoka way kutaalWaxa la sheega in hantidan qofka haystaa uusan weligii waayeyn inta noloshiisa ka dhiman uuna meelkasta la tegi karo (Movable Property) Waana hantida ugu muhiimsan ee qofku yeesho!
Waxaan kugula talin lah Akhristow bal inaad dhuuxdid xigmadaas aan hore ugasoo dhawaajiyey waxaana hubaa in qofka waxbartaa uusan weligiis ku qadayn cilmiga uu leeyahy ha u qaadan acliinta in qofku Qalin iyo Buug qaato maaha waa jira wax la yidhaaho Xirfad ( Skills) qudheedu waxay ka mid tahy waxbarashada.

Waxaan beryahan Dambe indhahayga saaray dhalin ku wareersan wxbarashada Qaar intay Iskuuladii wadi waayen iskaga baxoo saqiday, Qaar intay sannado dhiganayeen Kuliyad kamida jaamicada hadana wadi waayo hadba mid kale door bidaya oo aan sal lahyn.
Waxbarashadu Maahan Qasab iyo Cadaadis balse qofka waxbaranayaa waa qof doonaya inuu noloshiisa iyo ta dalkiisa hore umariyo.
Iminka waxaan ognahy in qofkasta ee dunada guudkeeda saarani uu wax ku fiicanyahy majiro qof dunida waxkasta kuxun may dhicin mana dhacdo!
Hadaba qofka doonaya inuu waxbarto intaanuu tegin goobaha waxbarasho bal hala tashado dadka; waalidkiis, Asxabtiisa, Aqoonyahanada, iyo cidkasta ee uu ku tuhmayo inay siin karaan talo iyo tusaale wanaagsan.

Markaan ka hadlayo horumarka laga gaadhay waxbarashada waxaynu ubaahanynaa in aynu ku qotomino artideena tusaalayaal dhaba oo dhacay, tusaale waxaa inoogu filan dalka layidhaho Japan Dagaalki labaad ee dunida waxay kala kulan burbur iyo khasaare fara badan oo ay ugu weynayd bamkii( Atomic bomb) lagu garaacay magalooyinka Heroshima & Nagasaki, waxaa la sheegaa illa iminka inay ku dhashaan magaalooyinkas caruur an xubnohooduu aanay dhammaystirnayn sunti uu kasamaysnaa bamkaasi aawadeed.
Marka la rabo in wadan laqiimeeyo waxaa laga eega dhinacyo kala duwan sida;
Dhaqaalaha (Economy)
Waxbarasha (Education)
Markaan milicsano halka uu marayey dhaqaalaha wadankaasi waxaa lagu tilmaama inu aha halka ugu hooseysa( Sagxada).
Markii uu dhammaaday Dagaalki labaad ee dunida dowladi xiligaas ka Ariminaysay waxay abaabul ugashay siday ugasoo kaban lahayd jabkaas.

Dowladu waxay qaaday go’aamo masiiriya oo an ugu dambayntii guul weyn ku gaadhay waxaana kamid ahaa;

1. in qofka kasta oo shaqaale ah ushaqeeya dowladdaa amba ganacsi kasta uu shaqeeyo 18 saac calaa maalin ( 18hours perday) 12 saac qofku isaga ayaa ku qaadanaya lacag, halka 2 saacna uu ushaqeynayo dowlada oo ay si rasmi ah gu dhacayso khasnada dowlada.
2. In arday kasta ee ka qalin jebinaya jaamacad uu kusoo kordhiyo wadan wax cusub kahor intaanu gudoomin shahaadadiisa, Tusaale: Ardayga ka qalin jebinaya cilmiga computerka ( Computer science) uu soo sameeyo computer shaqaynaya! Waxaa dhacday in arday kasta uu sii sameeyo computer intaanu gaadhin sannada ugu dambeysa si aanay uga xanibmin shahaadadiisu.
3. Waxay fahantay in wax ka wanaagsan dadka ( human resource) aanay jirin, iyadoo ka shidaal qaadanaysa taas ayey waxay maalgelisay ( investment) dadkeeda waxayna bartay waxbarashada qalinka( Formal education) iyo waxbarashada gacanta ( skills), kadib waxay heshay maxsuul dhaxal gal ah.

Maanta waynu ognahay halka ay ka gaadhay japan dhinacyada waxbarashada iyo tiknoolojiyada waxayna ku gaadhay waxbarasho waana wadanka labaad ee dunida ugu soosaarka badan tiknoolojiyada dhanka dhaqaalaha waxay kujirta wadamada ugu horeeya bal xisaabi xiligii dhaqaalaheedu aha hoos inta kadambaysay ( at least 68 years) waxay halkas ku gaadhay waa waxbarasho iyo weliba dadkeeda oo ay uga faa’iiaysatay si saxa.
Hadaba halkaas waxaa inooga cad muhiimada ay waxbarashadu uleedahy bini aadamka

MAHADSANIDIIN