Almost full, sign up now

Barashada Diinta oo laguu fududeeyey

Ku baro cilmiga sharciga ah hab casri ah, adigoo jooga gurigaaga.

Live classes

Macallimiin khibrad leh

Waxbarasho sanad oo dhan

Starts 1 June

Wax kasta oo aad ugu baahan tahay barashada diinta, hal goob ka hel.

Xiddig Academy waxay kuu diyaarisay Manhaj fudud oo aad ku baraneyso diintaada.

  • Xiisado Live ah toddobaad walba.
  • Dib u daawo casharada xilli kasta hadey ku dhaafaan.
  • Waxaad heleysaa shahaado diiwan gashan.
  • Waxaad heleysaa Free Pdf Books aad baraneyso.
  • Maadooyin cusub 3-dii biloodba, si aad horumar dhab ah u dareento
  • Waxaad Ku biireysaa koox arday ah oo kugu dhiiragelisa barashada diinta.
  • Waxaa casharada bixinaya macallimiin khibrad leh iyo culimo marti ah.
  • Waxbarashada wuxuu soconayaa 1 june 2026 ilaa 1 april 2027
  • Waxaad kaliya bixineysaa $50, kadibne waxaad heleysaa hal sano cashar.

ONLY 50 EURO FOR ONE YEAR

Maxaad Baran Doontaa?

Waxaad baran doontaa 3-dii biloodba maado cusub. waxaadna ku biireysaa fasalka adiga kugu habboon.

Caqiidada

Maaddadan waxaad ku baran doontaa aasaaska iimaanka iyo garashada dhabta ah ee Alle, adigoo baranaya wax kasta oo muhiim u ah iimaanka qofka Muslimka ah.

Fiqiga

Maaddadan waxaad ku baran doontaa fahamka fiqiga, laga soo bilaabo cibaadada ilaa mucaamalaatka, adigoo helaya aqoon kuu sahlaysa inaad si sax ah u fahamto axkaamta shareecada.

Xadiiska & Siirada

Maaddadan waxaad ku baran doontaa taariikhda Nabigayna (NNKH) laga soo bilaabo bilow ilaa dhammaad. iyo macaanidada axaadiista nabiga s.c.w 

Tafsiirka

Maaddadan waxaad ku baran doontaa fahamka iyo macnaha suurahada qur’aanka, adigoo baranaya ujeeddooyinka suuradaha iyo sida aad ugu dabaqi lahayd noloshaada.

Macalimiinta

Abubakar Mohammed

Omar Faruuq

Culumada casharka

Sh Idris

Sh Abu Dalxa

Axmed Yamaani

Sh Usuuli

Sh Axmed

DR Ali

Ku Bilow koorsada 3 Tallaabo oo Fudud

Is-diiwaangeli

iska diiwaangelin qeybta “Register” kadibne waxaa kusoo dhici doono email confirmation cadeynaya in aad kamid tahay ardayda sanadkan

Ku Biir Fasalka Telegram-ka

Markaasi kadib Waan kula soo xiriiri doonnaa oo kugu dari doonnaa fasalka Telegram-ka ee heerkaaga, halkaas oo aad ka heli doonto jadwalka iyo macluumaadka ugu dambeeya.

Bilow Casharadaada

Markaasi kadib waxaad Ku biiri doontaa casharadaada toddobadlaha ah live class iyo muraajacada ardayda dhexdooda. waxaad is baran doontaan macaliiinta iyo ardayda.

Years Active
0 +
Students
500 +
Teachers
0 +
Months Program
0 +

Ku saabsan Xidig Academy

Xiddig Academy waa madal online ah, taas oo kuu sahlaysa inaad si fudud u barato maadooyinka ugu muhiimsan ee Islaamka. Waxaan u dhisnay nidaam kuu saamaxaya inaad aqoontaada kordhiso adigoon joogo meel walba.

Hadafkaynu waa in aan u ku barno maadooyinka kala duuwan ee  diinta si fudud. Annagoo adeegsanayna macallimiin khubaro ah, manhaj habaysan, iyo jawi dhiiragelin leh, oo ka caawinnaya in in aad dhisto aqoontaada diineed si tallaabo-tallaabo ah.

What makes us different

Shahaado diiwan gashan

Maado walba marka aad dhammeyso waxaad heleysaa shahaado diiwan gashan.

Fasal levelkaaga ah

Waxaad wax la baran doontaa Arday kula level ah  si aad u hesho asxaab wanaagsan iyo taageero dhiiragein ah.

Xiisado Live ah

La soco casharada toddobadlaha ah si live, maqal iyo muuqaal.

Xiriirka Macalinka

Weyddii su’aal kasta macalinka inta ay xiisaddu socoto iyo marka casharka dhammaado kadib si aad u hesho jawaabo cilmi aad ku kororsaneyso.

Meel walba aad joogto

Dib u daawo casharada wakhti kasta oo aad rabto, adigoo u baranaya habka kugu habboon.

Qiimo la awoodi karo

Waxaad helaysaa waxbarasho tayo sare leh adigoo bixinaya lacag hal mar ah oo aad u jaban.

Maxay yiraahdeen Ardaydeena?

Su'aalaha Inta Badan nala Weydiiyo (FAQ)

Halkan waxaad ka heli kartaa jawaabaha su’aalaha ugu badan ee nala weydiiyo oo ku saabsan akadeemiyada iyo sida ay u shaqayso:

Waxaad baran doontaa maadooyinka diintaada iyadoo lagugu sharaxayo luuqadda Af-Soomaaliga, manhajka ay yihiin kuwo cad oo habaysan. Barnaamijkan waxaa ku jira Free BOOK PDF kitaabka aad dhiganeyso sida Caqiidada, Fiqiga, tafsiirka, xadiiska iyo siirada nabiga s.c.w

Xiddig Academy waxay barashada diinta u fududaysay qof kasta, annagoo ka dhignay mid dhaqaale ahaan la awoodi karo. qofkasta waxa kaliya laga qaadayaa sanadkii hal mar Administration fee 50 dollar.

Maya, barnaamijkani waa mid u  furan qof walba levelkiisa. waxaad si joogta ah u heli doontaa

  • Sharaxaad Fudud: Casharrada waxaa lagu sharraxay qaab fudud, waxaana loo dhisay tallaabo-tallaabo.

  • Caawinaad Joogto ah: Haddii aad wax fahmi weydo, mar walba waxaad weydiin kartaa su’aalo inta ay socoto xiisadda tooska ah (live class).

  • Telegram Group

Xiisadaha waxaa loogu talagalay inay noqdaan kuwo kooban oo nuxur leh si ay ugu habboonaadaan qof walba. 

Waqtiga loogu talagalay: Caadiyan xiisadaha live-ka ah waxay socdaan waqti ku filan oo lagu sharxo casharka laguna bixiyo jawaabaha su’aalaha aad si xor ah u weydiin kartid. 

Markaad dhammaystirto is-diiwaangelinta, waxaad si toos ah u kula xiriiri doonaa teamka xiddig academy. oo markaaasi kaala hadli doono levelka kugu habooon. kadibne waxay kugu darayaan groupka fasalka oo aad halkaas wax walba warbixin kala socon doonto kutubada iyo jadwalka sanadkan oo dhan.

Fasalka Telegram-ka ee ah waa group isku xirka ardayda iyo macallimiinta sidoo kale casharada oo dhan waxaad dib ugu daawan kartaa halkaas. casharka Live-ka isbuuc walba wuxuu ka bixin doonaa fasalka groupka  adiga aad ku jirto.

Qaad Tallaabada Koowaad ee Barashada Diintaada